berberatoday.com
Guddi Waan Waan Ka Dhex Wada Jabhada Kornayl Caare Iyo Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi
July 14, 2019 - Written by admin

Ceerigaabo(Berberatoday.com)-Wararkii ugu dambeeyay ee la xidhiidhay jabhada kornayl Kornayl Caare ayaa waxa ay sheegayaan inay jabhaddaasi si rasmi u degtay Buur lagu magacaabo KULMIYE oo bari fog ugu toosan Magaalada Ceerigaabo halkaasi oo waan waan looga dhex wado Xukuumadda.

Wararka aanu helayno ayaa sheegaya in Gudi kasoo jeeda Beesha Jabhadda, gaar ahaan gudi kasoo jeeda Deegaanka Ceerigaabo ay ukala dabqaadayso Xukuumadda si heshiis loo dhaliyo islamarkaana jabhadda Hubka looga dhigo. Wararkan ayaa sheegaya in gudidaasi ay iskugu jirto siyaasiyiin iyo oday dhaqameed beesha Kornayl Caare kasoo jeeda kuwaasi oo saacadihii lasoo dhaafayay Kulamo iskugu yimid, iyagoo xidhiidho la sameeyay Kornayl Caare iyo Dhinaca Xukuumadda.

Wararka aanu ka helayno dhinaca Xukuumadda ayaa sheegaya in muddo 4 cisho ah ay u qabatay in jabhadaasi war buuxa lagaga keeno, si uu u baaqdo dagaal dambe oo dhex mara Ciidamadda Qaranka oo sida la sheegay ku hareeraysan Goobta Jabhaddu degan tahay, waxaana lasoo sheegayaa in Xukuumaddu sidoo kale badka soo dhigtay in Bilaa Shuruud Hubka loo wareejiyo oo aan wax shuruud ah lagu xidhin.

Dhinaca gudidu, wali war buuxa kama keenin Jabhadda balse wararka aanu helayno ayaa sheegaya in Kornayl Caare dhinaciisa Shuruudo wato, islamarkaana uu dhinaca kalena uu Buur KULMIYE layidhaa uu daba saaray si haddii uu xaal isbadelo uu buurta u galo. Buurtan ayaa sida la sheegay hadii uu galo ay adag tahay in gudaha loogu galo.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Jabhaddani guud ahaan kasoo wada guurtay xaruntii Qardho ay ku lahaaayeen arimo la xidhiidha khilaaf soo kala dhex galay dadkii dhulkaasi deganaa.

 

 

Sources Hadhwanaagnews.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews