Marwo Edna Aadan Oo Si Kulul Uga Hadashay Xayiraada Markabkii Xoolaha Siday, Dawlada Soomaaliya Ku Tilmaantay Argagixiso.
July 15, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Ergayga gaarka ah ee dawlada somaliland u qaabilsan wada hadalada soomaaliya marwo Edna Aadan Ismaaciil ayaa qalad ku tilmaantay in dawlada Muqdisho ay ka taliso markabka xoolaha sida ee maalmihii la soo dhaafay ku xanibnaa magaalada Jida ee wadanka Sucuudiga
Marwo Edna Aadan oo warbaahinta kula hadashay magaalada Berbera ayaa meesha ka saartay in dawlada soomaaliya wax laga waydiiyo dhoofka xoolaha somaliland, waxaanay tilmaantay in xidhiidhka somaliland iyo sucuudigu uu yahay mid qoto dheer.