Masuuliyiintii Ugu Tirada Badnaa Ee Dawlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya Oo Xilkii Laga Qaaday Iyo Sababta Keentay
July 15, 2019 - Written by admin
Jigjiga(Berberatoday.com)-Dawlada deegaanka soomaalida ee Itoobiya ayaa xilkii ka qaaday masuuliyiintii ugu tirada badnaa.
Sida uu sheegay madaxweyne ku xigeenka dawlada deegaanka Aadan Faarax ayaa sheegay in xilkii laga qaaday masuuliyiin gaadhaysa 212 kuwaas oo iskugu jira heer gobol, heer maamul magaalo, iyo heer degmo.
Madaxweyne ku xigeenka dawlada deegaanka soomaalida Itoobiya ayaa sheegay in sababta ugu weyn ee masuuliyiintan xilka looga qaaday ay timid ka dib markii ay ku kaceen falal anshax xumo ah oo ka soo horjeeda hogaamintii looga baahnaa, xafiisyada ay ka hawl galayeen oo aanay iman iyo gaabis ku yimid xilalkii ay hayeen.