“Waan Ka Xumahay In La Siyaasadeeyo Markabka 20 Kun Ee Ariga Ah Somaliland Ka Qaaday Lana Carqaleedyo, Waa Masuuliyad Daro Masuuliyiinta dawlada Somaliya Ku Kaceen”Madaxweyinihii Hore Ee Somaliya Xasan Sheekh Maxamud
July 15, 2019 - Written by admin
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo ka hadlay Arrinta Xoolaha, ayaa qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay ku yidhi:
“Waxaan ka xummahay ganacsatada iyo xoolo dhaqatada Somaliland ee culeysku ka soo wajahay markabka ay saaran yihiin 20ka kun ee neef ee ariga ee dekedda Jeddah loo diiday inuu ku dejiyo xoolaha.
Waa wax ay ka maran tahay mas’uuliyad ummadeed in la siyaasadeeyo arrimaha horumarinta, ganacsiga iyo gargaarka oo dhammaan si toos ah u taabanayo nolosha muwaaddinka caadiga. Gaar ahaan arrinka markabkaan, waxay si toos ah u taabanayaa nolosha dadka reer guuraaga ah ee duruufaha ka yimid isbaddelka cimilada awalba la tacaalayay.
Dowladda Somalia waxaan ku boorinayaa in nolosha dadka Soomaaliyeed wax walba laga hormariyo. Dadka qaarkiina ay qabkooda dib u liqaan.
Dowladda iyo dadka reer Somaliland waxaan leeyahay “SI JIRTABA SIIMA JIRTO” ee idinkuna isxakameeya.”