Gudoomiyaha ku Xigeenka Xisbiga Kulmiye ee Toronto Cambaareeyay Xukuumada Somaliya
July 16, 2019 - Written by admin
Toronto(Berbertoday.com)-Gudoomiye ku xigeenka xisbiga KULMIYE ee Toronto ayaa ka hadlay markabkii xoolaha ka qaaday dekada Berbera ee lagu xanibay dalka Sucuudiga, sidoo kale waxa uu gudoomiye ku xigeenku cambaareeyay dawlada Somaliya, sida uu ku sheegay qoraal uu usoo diray shabakada Hadhwanaagnews, waxaanu qoraalku uqornaa sidan :- Waxaan halkan ka cambaareynayaa weerarka siyaasadeed iyo dhaqaale ee maamulka Vila Wardhiigleey ku hayo Jamhuuriyadda S/land oo ay ugu dambeysay dacwadii iyo dagaalkii ay u galeen sidii aanay xoolaha S/land u dhoofi lahayn taasoo markhaati cad u ah inay carqaladeeyaan dhaqaalaha Soomaaliland, balse dedaal dheer oo dawladda Soomaaliland u gashay siideynta xoolahaasi in ay ka degaan dalka Sucuudiga.