|
berberatoday.com
Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Oo Sii Adkaysay Nidaamkii Uu Males Sanaawi Udajiyey Itoobiya Ee Masuuliyiinta Lagu Qiimeyn Jirey
July 16, 2019 - Written by admin
Masuuliyiintaasi labada boqol ah oo mid walba xafiiskii uu ka hawlgalayey lagu sameeyey qiimeyn ayaa mid waliba lagu xalayd gaar ah, qaar musuqmasuq, qaar shaqo xumo, qaar maamul xumo, qaarna habsan shaqo, halka qaar eex iyo cadaalad daro lagu helay. Sidan oo kale waxay dawlad deegaanka soo marta laba jeer ooh ore, mar waxay ahayd wakhtigii Iid Daahir madaxweynaha ka ahaa 1996 oo la eryey illaa laba kun oo masuul oo shaqo xumo lagu eryey, marka labaaad waxay ahayd xilligii Daa’uud oo isna uu qiimeyn darteed ku eryey illaa kun qof. Nidaamkan qiimeynta ah waxa sameeyey ninkii Itoobiya cusub sameeyey ee Males Zanaawi oo ahaa nin usoo halgmay Itoobiya mudadii uu hayey isbedel balaaddhan ku soo kordhiyey kana dhigay mid dhaqaalaha Itoobiya kor u socdo, halka awal sanad walba loo dawari jirey. Sidoo kale, qofka masuulka ah ayaa guddi madax banaan qiimeyn ku samaynaysaa, waxaana la hor dhigaya shaqaalaha uu masuulka ka yahay, iyadoo qof waliba si aan baqdin ku jiro usoo bandhigo khaladaadka uu ku arkay masuulkaasi, waxaanay guddidaasi ku samaynaysa masuulkaasi qiimeyn, in mar labaad jaanis la siiyo iyo in aanu waligii xafiis dawladeed ka shaqayn doonin.
Barkhad-ladiif Mohamed OmarCOMMENTS
|
||||
|
|
|||||