Rakaabka Kasoo Xagaa-baxa Jabuuti Oo Ku Xaniban Xuduuda Lawyacado + Sababta.
July 17, 2019 - Written by admin
Lawyacado(Berberatoday.com)-Wararka naga soo gaadhaya magaalo xuduudeedka Lowyacado ee degmada Saylac ayaa sheegaya
inay cakiran tahay islamarkaana ayna jirin ilaa iyo hada wax rakaab ah oo ay soo qaadeen baabuurta u kala gooshta Jabuuti iyo dalka Somaliland intiisa kale fiidnimadan caawa kadib markii ay dawlada hoose ee degmada Saylac kusoo rogtay lacag dhan 3 doolar baabuurkiiba.
Mid ka mid ah gaadiidlayda oo khadka taleefoonka kula soo xiddhiidhay shabakada Hadhwanaagnews ayaa xaqiijiyay in lacagtan cusub ee la duldhigay aanay garanayn meel ay ka timid, waxana uu yidhi “Baabuurta waxa ay rakaabka u doontaan lama degaanka baabuur kastana waxay booliisku birta kaga qaadaan 6 doolar oo lacag ah tanna waa sadax dooolar oo siyaado ah, markaa ma jirto sabab aanu ku bixin karno”.