Xukumada Somaliland Oo Si Adag Uga Jawaabtay Guddi Dib Uheshiinta Ee Madaxweynaha Dawlada Xamar Magacaabay
July 19, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddida uu shalay magacaabay Madaxweynaha maamulka Muqdisho nuxurka hawsha uu u igmaday waxaay ahayd laba qodob, kuwaas oo kala ah:
1. In xal waara oo midho dhal ah laga gaadho tabashooyinka walaalaheenna Somaliland.
Waxa wanaagsan in qofka masuulka ah carrabkiisa iyo camalkiisu is waafaqaan, tan iyo intii maamulka Farmaajo talada dalkaasi Soomaaliya qabtay, waxa uu Jamhuuriyadda Somaliland kusoo qaaday weerar siyaasadeed, dhaqaale, bulsho, iyo mid Diblomaasiyadeed iyagoo meel kasta oo ay Somaliland ka hesho taageerada mashaariicda horumarineed, maalgelinta marsada Berbera iyo iibka xoolaha Somaliland-ba ku ah duulimaad. Sidaa awgeed isma qabanayso ficilladaada cadowtinimo iyo tiraabta weedha WALAALAHEENNA SOMALILAND. Taasi waa Ilmadii Yaxaaska.