Somaliland”Shidaalka Nooca Batroolka Oo Qiimihiisu Kor Ukacay
July 22, 2019 - Written by admin
Berbera(Berberatoday.com)-Maalmahan u danbeeyay waxaa kor u kacay qiimaha shidaalka khaasatanbatroolka oo magaalooyinka Somaliland qaarkood gaadhay halkii Litirhal Doolar iyo sanaaati.
Shirkadaha wadanka shidaalka Keena oo aanu qaarkood la xidhiidhnay masuuliyiintooda ayaa Shabakada Hadhwanaagnews u xaqiijiyay in Kor ukacan Qiimaha Shidaalka Khaasatan batroolka u sababay kala Go ku Yimid Shidaalkii wadanka Immanjiray, iyagoo sababtana ku sheegay in tangaradiishidaalka keeni jiray xiligii qorshahu ahaa ay dib uga dhaceen , waxaana la filayaa ayay yidhahdeenbishan julaay 25 in uu iman doono shidaalka ugu horeeyaa.