Wasiir Arimaha Gudaha Oo War Kasoo Saaray Mooshinada Xilalka Laga Qaado Mayerada Iyo Kuxigeenada Degmooyinka Dalka
July 22, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin ayaa mumnuucay in la qabto mooshinno xilka lagaga qaadaayo maayirada iyo ku-xigeenada magaalooyinka Somaliland ilaa inta doorasho ka dhacayso dalka.
Wasiirku waxa uu ku sababeeyay in xildhibaanada qaar sifo khaldan u maraan xilka qaadista maayirada iyo weliba waddanka oo ku jira ayuu yidhi xaalad Heegan ah oo dhinacyo badan leh.