Xoolo Dhan 148,000 Oo Xalay Ka Dhoofay Dekeda Berbera
July 23, 2019 - Written by admin
Berbera(Berberatoday.com)-Dekada Berbera Waxa Xalay ka dhoofaya Labo Markab Oo kale ah M/v Mensallah Oo qaadaya Xoolo Dhan 130,000 Neef ,kuwaasi oo lagu Caafimaadiyey Maxjarka Aljaabiri islamarkaasina uu leeyahay Ganacsadahaasi iyo Markabka kaloo lagu magacaabo M/v Malak uu qaaday Xoolo dhan 18,800 Neef, kuwaasi oo lagu Caafimaadiyey Marjarka ay ku Midobeen Ganacsatada Xoolaha ee layidhaa iska caabinta oo iyagu lahaa ama laga Raray Xoolaha Saarna Markabkii M/v FAHAD ee Hore lagu Xayiray Dekadda Jiddah ee Dalka Sucuudiga ,lakiinse markii Dambe la dajiyey Xoolihii Saarnaa lana fasaxay.
Xoolahan xalay ka dhoofay Dekada Berbera Ayaa ah kuwii ugu badnaa Ee laga Raro Dekada xiligan lagu jiro mooshinka Xajka waxaanay kusoo Beegmayaan Xili Labadii Markab Ee 19 July 2019 laga Raray Dekadda magaalada Berbera Xoolihii la saaray la filaayo inay Gadhaan Dalka Sucuudiga saacadaha soo Socda ee maanta kuwaas oo qaaday xoolo dhan 75000)oo adhiya.
Waxa todobaadkan si Xawli looga dareemayaa dhaqdhaqaaqa Iibka Xoolaha Sayladaha Xoolaha Ee magaalooyinka Burco, Hargeysa iyo Wajaale ,waxaana Mashquula Jidadka isku Xidha Magaalooyinka Hargeysa Berbera Iyo Burco kuwaasi oo Ay mashquul ka dhigeen Baabuurta Sida Xoolaha Ka Dhoofaya Dekadda Berbera.