“Waa Lagu Kalsoonaan Karaa Warbixinta New York Times”Madaxweynaha Maamulka Putland Siciid Cabdullahi Denni
July 23, 2019 - Written by admin
Garowe(Berberatoday.com)-Madaxweynaha dowlad Goboleedka Soomaaliya Puntland Siciid Cabdillaahi Deni ayaa Maanta ka hadlay Warbixinta ku saabsan Cod Telefoon la sheegay inay is-dhaafsadeen Danjiraha Qatar u jooga Soomaaliya, Ambassador Xasan Bin Xamza Haashim iyo Ganacsade aad ugu dhow Amiirka dalka Qatar oo uu soo bandhigay Wargeyka The New York Times ee ka soo baxa dalka Mareykanka.
Madaxweyne Saciid-Deni oo ka qeyb galay Bandhigga Buugaagta Garoowe oo sanadkii 5-aad la qabtay ayaa waxaa uu sheegay in lagu kalsoonaan karo Warbixinta uu baahiyay Wargeyska The New York Times, taas oo ah in Danjiraha Qatar u jooga Soomaaliya iyo Ganacsade aad ugu dhow Amiirka Qatar ay kaga wada hadleen Qarax Bishii May ee Sanadkan ka dhacay Magaaladda Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.