Maxaad Ka Ogtahay Dalka Singapore Xaaladaha Uu Soo Maray Iyo Qaabkuu Ku Horumaray”Akhriso
July 23, 2019 - Written by admin
Singapore(Berberatoday.com)-Dalka Singapore Sannadkii 1963-kii ayuu xornimadiisa ka qaatay Boqortooyada Ingriiska waxaana dadka reer Singapore waqtigaas ay ku biireen dalka Malaysiya hase ahaatee sannadkii 1965-kii ayaa waxaa laga saaray ama laga eryay midowgii labada dal markii khilaaf soo kala dhex galay.
Waxaa lays waydiiyay sida ay Singapore u sii jiri karto iyada oo aan la midoobin dal kale ; Jawaabtu shaki la’aan laysku raacay waxay noqotay MAYA, kaligeed ma sii noolaan karto.Hase ahaatee Hogaamiyihii Singapore ee wakhtigaa LEE KUAN YEW wuxuu go’aansaday inuu Beeneeyo malaha khubarada oo uu suurto geliyo waxaan suurto gal ahayn.
Wuxuu dajiyay qorshe balaaran oo dhamaystiran oo lagu xaqiijinayo Singapore inay noqoto dal jira iyo waliba inay ka mid noqoto wadamada horumaray waxaase loo arkayay Riyo Been ah iyo Hindisayaal mala awaal ah.
Qorshayaashii Mr Lee waxa ka hor yimid caqabad adag oo marka hore u baahan in xal loo helo waxaana ka mid ahaa caqabadahaas Singapore waxa ku wada noolaa saddex qowmiyadood oo kala jinsi ah, kala dhaqan ah, kala diin ah oo kala af ah oo mid kastaaba dhinaca ku hayo daacadna u ah wadanka uu asal ahaan ka soo jeedo oo kala ah Shiinaha, Malaysiya iyo Hindiya.Mr Lee Riyadiisa ma rumayn karo ilaa uu Qawmiyadahan ka dhigo ummad Reer Singapore ah oo ku abtirsada dalkooda.
Waa imtaxaan adag wuxuuse guulaystay markii uu helay furihii uu ku midayn lahaa ama laysku aamini lahaa oo ah in si dhab ah loogu maamulo si siman iyo cadaalad markaas ayay Singapore samaysay waxaan la samayn Karin oo mucjiso lagu tilmaami karo.
Hogaamiye Lee Kuan yew mar la waydiiyay sida dalkiisu u gaarey horumarka intaa le,eg wuxuu ku jawaabay waxaan kusoo gaabin karaa laba eray oo qura waxaan oran lahaa cadaalad iyo isku kalsooni.
Dulucda waxa weeyaan in wadan si kasta oo uu dhibaato ugu jiro Alle ka sakow haduu helo hogaamiye aragti dheer oo daacad ah sidoo kalena wadani ah waxaa hubaal ah inuu dalkaas noqonayo wadan horumar weyn sameeya tusaalena u noqda caalamka oo dhan.