Wada Hadaladii Ay Beesha Caalamku Ka Dhex Waday Madaxtooyada Iyo Mucaaradka Oo La Filayo Inay Bilaabmaan
July 25, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Waxa la filayaa inay Madaxweyne Biixi iyo madaxda mucaaradka ee Waddani iyo UCID u bilaabmaan wada hadalada ku saabsan qabsoomida doorashooyinka, kuwaas oo ay dhexdhexaadinayso beesha caalamku.
Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan-cirro oo lala sugayay bilowga iyo heshiis laga gaadho wada hadalada ka dib markii uu Madaxweyne Biixi dalbaday inuu goob-joog noqdo ayaa shalay dalka soo gaadhay.
Waxa isna la filayaa inuu dalka soo gaadho ergayga Midowga Yurub danjire Nicolás Berlanga Martinez oo ahaa masuulka isu soo dhaweeyay madaxtooyada iyo xisbiyad mucaaradka.