Dawlada Sucuudiga Oo Shaacisay Wadan Aan Muwaadiniintiisa Loo Ogolayn Xajka Sanadkan.
July 27, 2019 - Written by admin
Riyaadh(Berberatoday.com)-Dawlada Sucuudiga ayaa ku dhawaaqday wadan ku yaala qaarada Afrika oo ay sanadkan ka joojisay in muwaadiniintiisu ay gutaan waajibaadka xajka.
Dawlada Sucuudiga ayaa sheegtay in muwaadiniinta dalka Koongo aanay sanadkan ka mid noqonayn dadka gudanaya waajibaadka Xajka isla markaana laga joojiyey fiisayaashii ay ku soo gali lahaayeen dalkaasi, ka dib markii uu ka dilaacay cudurka Ebolla