Turkiga oOo 505 Ceel Biyood ka Qoday Dalal Afrikaan Ah Oo Somaliland ka mid Tahay
July 28, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Dawladda Turkiga ayaa daboolka ka qaaday inay Ceelal biyood oo tiradoodu tahay 505 Ceel ka qoday dalal ku yaalla Afrika oo ay ka mid tahay Jamhuuriyadda Somaliland, si ay biyo nadiif ah u helaan 1.8 Milyan oo qof oo ku nool qaaradda Afrika
Wasaaradda Beeraha ee Turkiga ayaa xaqiijisay in hirgelinta ceelashaas ay kala shaqeeyeen Hay’ado iyo Ururo laga leeyahay dalka Turkiga. 505 ceel biyood ee dawladda Turkigu ay ka qoday Afrika waxay 258 Ceel oo ay ka qoday dalka Niger, halka ay Murataaniya ka sameeyeen 102 ceel biyood.