Diyaarad Militari Oo Ku Burburtay Pakistaan
July 30, 2019 - Written by admin
Karchi(Berberatoday.com)-Diyaarad ay leeyihiin militariga Pakistaan ayaa burburtay markii ay kusoo dhacday xaafad dad badan ay degan yihiin oo kutaalla magaalada Rawalpindi ee dalkaas, sida ay sheegeen saraakiisha ku sugan gobolkaas.
Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhintay shilkaas, shan kamid ah dadka dhintay waxay ahaayeen shaqaalaha diyaaradda halka 10 qof ay ahaayeen rayid, waxaana ku dhawaacmay 12 qof oo kale oo kamid ah dadka deegaanka.