Ciidamada Dalka Suudaan Oo Dilay 5 Qof Oo Mudaharaadayaasha Ka Mid Ah
July 30, 2019 - Written by admin
Khartoum(Berberatoday.com)-Culeys ayaa soo food-saaray heshiiskii nabaadda ee dalka Sudan, kadib markii afar caruur arday ah iyo dadkale lagu dilay dibadbaxyo ka dhacay Magaalada El Obeid, ee gobolka Kordofan.
Isbaheysiga ugu weyn ee mucaaradka dalkaas, ayaa sheegay in laamaha ammaanka ee Sudan ay rasaas ooda uga qaadeen dadkan oo ay ka mid yihiin arday dhigata dugsi sare, kuwaas oo ka cabanayay shidaalka iyo cuntada oo aad gabaabsi u ah, waxayna ku baaqeen dibadbaxyo ballaaran oo dalka oo dhan.