Daawo Muuqalka”Dhalinyaradii Barnaamijkii Shaqo Qaran Oo Ka Cabanaya In Laga Musuqmaasuqay Itaxaan Loo Galaayay Waxbarasho Dalka Singapore Loo Geynaayay 300 Oo Kamida Ardayda
July 30, 2019 - Written by admin
Hargeysa(BErberatoday.com)-Dhalinyaradda Barnaamijka Shaqo Qaran ayaa maanta u fadhiisatay imtixaanaad loogu qaadaayo dalka Singapore halkaas oo ay kasoo baran doonaan cilmi ku saabsan Arrimaha sifaynta saliida iyo Shidaalka.
Imtixaanaadkan Ardayda u fadhiisanaysa waxa ku jira sida warar hoose sheegayaan dhalinyaro aan hore uga mid ahayn Barnaamijka Shaqo Qaran.
Xafiiska Shaqo Qaran ayaa kaadhadhka usameeyey dad la sheegay in aanay ka tirsanayn Dhalinyaraddii Barnaamijka Shaqo Qaran ee hore Carbisyada iyo Duruusta ugu soo qaatay Xeryaha toobabarka Dararweyne.