Xukuumada Somaliland Oo Ka Hadashay Wada Hadal Ay Kula Jirto Jabhada Kornayl Caare
July 30, 2019 - Written by admin
Burco(Berberatoday.com)-Xukuumada somaliland ayaa ka hadashay wada hadal u socda jabhada uu hogaaminayo kornayl Caare.
Wasiirka gaadiidka iyo horumarinta jidadka somaliland Cabdilaahi Abokor Cismaan iyo gudoomiyaha Baanka dhexe Cali Ibraahin Baqdaadi oo warbaahinta kula hadlay Burco ayaa sheegay in qorshaha xukuumadu yahay in nabad lagu soo xera galiyo jabhada Kornayl Caare.
Ugu horayn gudoomiyaha baanka dhexe ee somaliland Cali Ibraahin Baqdaadi oo ka hadlaya qorshaha xukuumada ayaa waxa uu yidhi “Wada hadal ayaa u socda odayaasha beesha uu ka soo jeedo Kornayl Caare iyo isagii oowada fadhiya, xalayna way is arkeen, maantana waynu eegaynaa wixii ka soo baxa oo aynu ku go’aan qaadanaynaa.”