Dawladda Ingiriiska Oo Ka Hadashay Wada Hadalada Somaliland Iyo Soomaaliya Iyo Doork Dalalka Gobalka
August 2, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Dawladda Ingiriiska ayaa sheegtay inay taageersantahay wada hadal dhisan oo dhex mara Hargeysa iyo Muqdisho, islamarkaana ay taageerayso talaabooyinka lagu dhisayo kalsoonida u dhaxaysa labada dawladood.
Xildhibaan Michael Ancramoo ka tirsan Baarlamaanka Wasiirul dawlaha arrimaha dibadda iyo dalalka barwaaqo sooranka Ingiriiska Ahmad of Wimbledon, wuxuu toddobaadkan Baarlamaanka Ingiriiska ku weydiiyay doorka uu Ingiriisku kaga jiro sidii dib loogu furi lahaa wada hadal lagu dhisayo kalsoonida Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu Wasiir Ahmad Wimbledon ku jawaabay