Militariga Sudan Iyo Mucaaradka Dalkaas Oo Heshiis Gaadhay
August 4, 2019 - Written by admin
Khartoum(Berberatoday.com)-Golaha Millatariga ee haya talada dalka Sudan iyo hogaamiyaasha kacdoonka ayaa maanta ku dhawaaqay in ay gaareen heshiis dhigaya in la dhiso dowlad ku meel gaar ah oo muddo saddex sano ah shaqeysa, kaddibna talada lagu wareejiyo dowlad rayid ah.
Wakiilka Midowga Africa u qaabilsanaa wada-xaajoodka ninka la yiraahdo Mohamed Hassan Lebatt ayaa heshiiska kaga dhawaaqay magaalada Khartoum. Sarkaalkan ayaa sheegay in labada dhinac ay si buuxda u ayideen heshiiska, balsa ma uusan bixin faah faahin dheeraad ah.