Madaxweyne Donald Trump Oo Amray In Calanka Dalkiisa Hoos Loo Dhigo Iyo Sababta
August 5, 2019 - Written by admin
Washington(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa amar ku bixiyay in hoos loo dhigo calanka Maraykanka muddo shan maalmood ah.
Ujeedada tallaabadan ayaa ah si loogu tacsiyeeyo dadkii ku dhintay laba toogasho oo ka kala dhacay gobollada Texas iyo Ohio, mudd 13 saca gudahood ah.
Toogashooyinkan ayaa waxaa ku dhintay 29 qof, ayada oo in ka badan 50 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.
Saraakiisha ammaanka gobolka Texas ayaa sheegay in ay dalban doonaan in xukun dil ah lagu fuliyo ninkii weerarka ka gaystay magaalada El Paso ee gobolkaasi.