Dawlada Xamar Oo Dacwad Kale Ka Gudbisay Somaliland Iyo Waxyaabaha Ay Ku Saabsan Tahay
August 6, 2019 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-Dawladda Federaalka ah ee Soomaliya ayaa dacwad ka dhan ah Somaliland u gudbisay DowladaSeychelles, Ururka la dagaalanka budhcadbadeeda ee Soomaaliya eeCGPCSiyo Hay’adda qaramada midoobay dacwada soomaaliya ayaa salka ku haysta kadib markiiMadaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu cafiyey 19 maxbuus oo lagu xukumay dalka Seychelles loona soo wareejiyay xabsiyada Somaliland sanadkii 2012 si loogu hayo inta ay xabsiga dhammaysanayaan.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka xun tahay in lasii daayo budhcadbadeed aan dhammaysan dabigii lagu helay, Waxaana warqad ay u direen dowladda Seychelles ay ku sheegeen in Soomaaliya ay aad uga walaacsan tahay arrintan.