Maxaa Sabab U Ah In Dalka Filibiin Oo Xaalad Deg Deg Ah La Geliyo
August 7, 2019 - Written by admin
Filipin(Berberatoday.com)-Dowladda Filibiin ayaa ku dhawaaqday xaalad deg deg ah, kaddib marki dad gaaraya 622 qof ay u dhinteen xanuunka dengue oo ah cudur ay gudbiso kaneecada teeda dhiddiga ah.
Wasiirka caafimaadka Filibiin, Francisco Duque ayaa sheegay, in laga soo billaabo bishi Jannaayo ee sannadkaan ilaa bishi July la diiwaangeliyay kiisas gaaraya 146,000 qof oo uu ku dhacay cudurka Denga, taasoo macnaheedu noqoneyso in boqolkiiba 98 uu sare u kacay xowliga uu ku socdo faafista cudurka marka loo barbar-dhigo sanadki hore.