Dawlada Sucuudiga Oo Shaacisay Tirada Xajka Timid 25-kii Sanadood Ee U Dambeeyey Iyo Tirada Sanadkan Soo Gaadhay
August 8, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasaaradda diinta iyo awqaafta iyo ammuuraha xajka Ee Waddanka Boqortooyada Sucuudiga ayaa sheegtay in ilaa shalay ay goobaha barakaysan ee acmaasha xajku ka dhacayso ay soo gaadheen dad ka badan 2 Milyan oo xaaji oo isaga kala yimid daafah adunida.
Mamaamulka Magaalada Barakaysan ee Makka Al Mukarrama waxa ay sheegeen in ilaa imika ay soo gaadheen dad ka badan 1.775,000 oo qof, kuwaasi oo ah xujaaj ka kala timid daafaha dunida waxaanay sheegeen ugu yaraan hal Milyan iyo 700 oo qof in ay dhinaca cirka ka soo galeen boqortooyada sucuudiga, halka 17 kun oo Xaaji ay ka soo galeen dhinaca badda sidoo kalena dad ka badan 93-kun oo qof ay iyaguna dhulka soo mareen.