Safarka Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Wasiir Kaahin Miyuu Saamaynayaa Wada Hadalkii Xukuumadu Kula Jirtay Jabhada Kornayl Caare?
August 8, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xukuumada somaliland ayaa ka hadashay in safarka madaxweynaha somaliland iyo wasiirkiisa arimaha guduhu ugu baxeen wadanka Sucuudiga uu saamayn ku yeelanayo wada hadalkii dawladu kula jirtay jabhada uu hogaaminayo Kornayl Caare.
Afhayeenka madaxtooyada somaliland Maxamuud Warsame Jaamac oo ka hadlay safarka madaxweyne Muuse Biixi iyo wasiir Maxamed Kaahin ugu baxeen wadanka Sucuudiga ayaa sheegay in wada hadalkii ay xukuumadu kula jirtay kornayl Caare iyo jabhadiisu ay sii socon doonaan mudada ay maqan yihiin madaxweynaha iyo wasiirkiisa arimaha guduhu.