berberatoday.com
Dawlada Sucuudiga Oo Bilawday Fiisaynta Basaboorka Somaliland
August 9, 2019 - Written by admin

Jeddah(Berberatoday.com)-Dalka Sucuudiga ayaa bilaabi doona inay Fiiseeyaan  Basaboorka Somaliland, sida lagu sheegay war lagu daabacay shabakadda Busiweek ee waddanka Uganda.

Boqortooyadda Sucuudigu wuxuu  hore dadka booqanaya dalkiisa u fiiseyn jiray Baasaboorka Soomaaliya, waxaanu warsiduhu sheegay in la filayo tallaabadan Sucuudigu bilaabi doono  Moosimka Xajka kadib.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo gaadhey dalka Sucuudiga, kadib markii uu boqorka dalkaasi Sucuudiga  Salmaan Bin Cabdul Casiis ka helay  martiqaad rasmi ah, waxaana madaarka magaalada Hargeysa ee Cigaal International Airport ka qaaday diyaarad khaas ah oo ay boqortooyadda Sucuudigu u soo dirtay .

Warbixintan ay daabacday Busiweek  ayaa lagu sheegay in ay qorsheysan tahay in ay kulan yeeshaan madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo boqorka dalka Sucuudiga King Salmaan Bin Cabdulcasiis , iyadoo lagu wado in ay ka wada hadlaan xoojinta xidhiidhka labada dal iyo arrimaha Ganacsiga ee ka dhexeeya Somaliland iyo Sucuudiga.

Warsidaha Busiweek  wuxuu intaas ku daray in Sucuudiga aqoonsan doono Basaboorka Diblomaasiga ah ee Somaliland, waxaana jira warbixino  ay boqortooyada Sucuudigu u dirtay  weftiga Somaliland ka socda ee waqtigan ku sugan dalkaasi, kuwaas oo laga ogolaaday in ay Sucuudiga  ku soo galaan Basaboorka Diblomaasiga ah ee Somaliland.

Waa markii ugu horreysay ee madaxweyne Somaliland ka socdaa si rasmi ah martiqaad uga helo madaxda dalka Sucuudiga.

Socdaalkan ayaa ka dambeeyey kadib markii laba bilood ka hor uu madaxweynaha Somaliland kulan kula yeeshay Hargeysa  Safiirka Sucuudiga u fadhiya Kenya Maxamed Khayat, iyaga oo labada dhinac isla falanqeeyey  sidii ay Sucuudigu uga caawin lahaa Somaliland  dhinacyada dhaqaalaha,Maalgashiga iyo qaadista xayiraada xoolaha Somaliland ee uu hore ugu soo rogay Sucuudigu  iyo kor u qaadida xidhiidhka dhinacyada badan ee labada waddan

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews