Dawlada Somaliya Oo Hanjabaad Ka Soo Saartey Doorashada Jubbaland
August 9, 2019 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-Wasaaradda arrimaha gudaha federaalka ayaa war qoraal ah kasoo saartay arrimaha doorashooyinka dowlad goboleedka Jubbaland oo bishan lagu wado in ay ka dhacdo magaalada Kismaayo.
“Wasaaraddu waxa ay caddaynaysaa in aan la aqoonsan karin natiijada kasoo baxda doorasho baal marsan qodobbada kor ku xusan iyadoo la ilaalinayo dastuurka iyo shuruucda dalka” ayaa lagu yidhi warka qoraalka ah.
Wasaaradda ayaa soo bandhigtay saddex qodob oo ay doonayso in ay fulaan si doorashada ay u noqoto mid xor iyo xalaal ah. Waxaa ka mid ah in diiwaanka magacyada odayaasha dhaqanka soo xulaya odayaasha ay noqdaan kuwa rasmiga ah, waafaqsana kuwa ka diiwaangashan wasaaradda, iyo in diiwaangalinta musharixiinta madaxweynenimada uu sameeyo guddi laga xulay baarlamaanka iman doono, iyo sidoo kale in doorashada ay u dhacdo qaab xor iyo xalaal ah, sida qoraalka lagu sheegay.