Tiro Ka Badan Laba Million Oo Muslimiin Ah Oo Gudashada Xajku U Bilaabantay
August 9, 2019 - Written by admin
Makka(Berberatoday.com)-Dad tiradoodu ka badan tahay laba million oo Muslimiin ah ayay u bilaabantay gudashada waajibaadka xajka oo sanad kasta loo tago dalka Sucuudi Carabiya.
Gudashada waajibaadka Xajka ayaa lagu waajibiyey qof kasta oo Muslim ah oo dhaqaale ahaan iyo jidh ahaanba u awooda hal mar inta uu noolyahay.
Jimcihii maanta, ayaya xujaajku isugu soo urureen Mina, oo ku taala Makka, si ay u bilaabaan gudashada waajibaadka xajka.
Cimilada ayaa gaadhay ilaa 40 degrees Celsius, waxaanay xujaajku dooxada Mina ay u dhaafi doonaan buurta Arafat iyo Mecca.