Xildhibaan Somali Kenyan Ah Oo Dawladiisa Ugu Baaqay Inay Ciidamo Gayso Xadka Bada Ee Ay Soomaaliya Ku Muransan Yihiin
August 9, 2019 - Written by admin
Nairobi(Berberatoday.com)-Baarlamaanka dalka Kenya ayaa dalbaday in dowladdu ay qaaddo tallaabooyin dheeraad ah oo lagu difaacayo jiritaanka waddanka iyo xuduudaha dhulka iyo badda, waxaana ka mid ah in ciidan milatari ah la geeyo xadka biyaha ee ay ku muransan yihiin Kenya iyo Soomaaliya.
Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale iyo dhiggiisa tirada laga badan yahay ee aqalka John Mbadi ayaa gudbiyay mooshin ay si wada jir ah u saxiieen labada xisbi ee ugu waaweyn dalka, kaasoo loogu xusul duubayo sidii loo xaqiijin lahaa in Kenya ay xajisato xuduudaheeda.