majaajilada ah si weyn looga jeclaa dalka Burundi iyo meelo kale oo ka tirsan caalamka ayaa u geeriyooday cudurka malaariyada.
Darcy Irakoze, oo caan ku ahaa naaneysta Kacaman, ayaa dhiganayay dugsiga hoose, waxaana uu ka qeyb qaadan jiray bandhigyo online ah iyo kuwo laga sameyn jiray masraxyada.
Xanuunka Malaariyada ayaa ku dhacay maalintii Arbacada, wuxuuna geeriyooday hal maalin ka dib.
Cudurka Malaariyada ayaa dalka Burundi ku dilay in ka badan 1,800 oo ruux sanadkan oo kaliya, sida ay sheegtay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo WHO.
In ka badan 5 malyan oo kiis, oo Malaariya ah ayaa waddankaas laga diiwaan galiyay tan iyo bishii Janaayo.
Cudurkan ayaa ka mid ah kuwa ugu waaweyn ee laaya carruurta qaaradda Afrika, waxaana maalin walba qaaradda gudaheeda ugu dhinta 2,500 oo carruur ah, sida laga soo xigtay hay’adda arrimaha carruurta u qaabilsan Qaramada Midoobay ee Unicef.
Darcy wuxuu bandhiggiisii majaalilada ee ugu dambeeyay sameeyay 2-dii bishan Agoosto, waxaana ku wehlinayay majaajiliistaha caanka ah ee reer Burundi ee lagu magacaabo Kigingi.