Dib U Milicso Weedhihii Adkaa Ee Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Cawad!
August 14, 2019 - Written by admin
Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo ay weheliyaan qaar ka mid ah wasiirradiisa ayaa la kulmay wasiirro ka socda Soomaaliya oo uu ka mid yahay wasiirka arrimaha dibadda Mr Cawad iyo wasiirka maaliyadda Mr Bayle.
Sawirka ay wada galeen oo si weyn saacadihii u dambeeyay u qabsaday baraha bulshada ayaa u qaadan waa ku noqday bulshada Somaliland maaddaama madaxweyne Biixi lagu yaqaanay weedho qallafsan iyo hadallo adag oo uu ku duro Farmaajo iyo xukuumaddiisa sidoo kalena uu hore Eng Faysal Cali Waraabe si adag ugu dhalliilay tagista shir Soomaaliya ku lahayd Biljamka.