Ciidamada Amaanka Somaliland Oo Guuldareystay inay Xidhaan,Ninkii Burco uga Soo Hanjabayey Mareeyaha Dekada,Oo si Qarsoodi Ah Ku Soo Galey Berbera+Xaaladiisa Amaan.
February 18, 2016 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Ciidamada Amaanka ee Magaalada Berbera ayaa ka Seexday inay Sugaan Amniga iyo Xasiloonida, kadib markii ay ku guuldareysteen inay qabtaan oo ay sharciga horgeeyaan ninka magaciisa la yidhaahdo Siciid Maxamud Xandule Oo Maalintii shaley Fariin Hanjabaad ah Mareeyaha Dekadda Berbera Cali Xoor-xoor uga Soo Direy Magaalada Burco,islamarkaasina maanta si Qarsoodi ah ku soo galey Magaalada Berbera, iyadoo fariintaasi ahayd mid Dil ah Oo uu kula kacey Mareeyaha Dekada Berbera Eng.Cali xoor-xoor, Isagoo ku Edeeyey inuu u hayso Qalabkii Dableyda Hubeysani ay ku Waxyeelaysay Dekadda ceelgardi.