Xaaji Sudaani Ah Oo Ka Sheekayay Dhacdo Layaab Leh
Odaygan miskiinka ah wuxuu dhashay dalka Sudan, wuxuu kamid ahaa xujaajtii xajaysay sanadkan.
Wuxuu yidhi: markii aan jamaraatka tuurnay ayaa qorraxdii kululaatay, kadibna waxaan arkay qol ay hurdaan xujaajtii dharka cad sidatay, waxa qolka hor fadhiya askari.
Askarigii intaan ka dhuuntay ayaan qolkii jiifsaday.
Qolku aadbuu u qaboobaa, markaan 2 saacadood nastay ayaan ka jiifi kari waayay qabowgii qolka, kadibna waan soo kacay.
Askarigii markuu i arkay ayuu cararay, aniguna waan yaabay.
Dibadaba Markaan usoo baxay ayaan akhriyey boodhka, mise waxa ku qoran talaagada dadka dhintay.
Miskiin Askarigu wuxuu Mooday mayd Soo Nooladay.
Anigii ayaa Baxsaday.