“Guurtida Iyo Wakiiladu Dhaxal Umay Helin Kuraasta Qaranka Ee Ay Ku Fadhiyaan Ee Ha Baneeyaan..” Siyaasi Cabdi Haybe
August 19, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Cabdi Haybe Maxamed, oo ka mid ah hoggaanka sare Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, isla markaana ah Xoghayaha Hawlaha guud ee Xisbiga, ayaa sheegay in wakhtigan aanay munaasib ahayn in la sameeyo saami-qaybsi ku saleeysan kuraasta Golaha Wakiilada.
Cabdi Haybe Maxamed, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale Wasaaradda Arrimaha Gudduha ugu baaqay inay nabadgalyada dalka ay adkayso, waxaanu ugu horeyn uu yidhi isagoo ka hadlaya Doorashada, Wakiilada, Guurtida iyo Saami-qaybsiga
“Golaha Wakiiladu muddo aad u dheer bay joogeen Golaha, Guurtiduna muddo ka badan bay joogeen, markaas Guurtida iyo Wakiiladu dhaxal umay helin kuraasta qaranka ee ay ku fadhiyaan, ee ha baneeyaan meesha, si dadka hanka leh ee doonaya inay iska soo sharaxaan calafkoodana qaadan ay u yimaadan meesha, maxaa yeelay kuraastan cid gaar ahi ma leh ee umadda wada leh oo qaranka ayaa wada leh, ta kale Doorashooyinkan kolba dib u dhacayaa waa nidaam xun, oo aan loo baahnay, ee saami-qaybsiga maanta lagu baraaruugayo waxay ahayd in muddo hore laga sii shaqeeyo oo laga sii hawl-galo, markaas Xildhibaanad maanta ku doodaya saami-qaybsi ha la sameeyo, waa Xildhibaano diidan inay doorasho dalka ka dhacdo, ee inooma wacna inay kolba Doorashooyinku dib inooga dhacaan ee Doorashadana ha inoo dhacdo, Golaha Wakiilada ee dambe ee iman doonaana ha sii dajiyaan qorshaha Doorashooyinkeena dambe loogu qaban lahaa saam-qaybsi, oo Madaxweynuhuna markaas ha kala hawl-galo, markaas Golaha Wakiiladu maaha inay xanibana ama diidan inay Doorashadu dalka ka dhacdo”.