Wasaaradda Gadiidka Oo Amaro Culus Dul Dhigtay Shirkaddaha Gadiidka Somaliland
August 22, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadku iyadoo fulinaysa Xeerka Wadamarista (Xeer L/r 56/2013) Qodobadiisa 75aad iyo 76aad oo qeexaya xadidaada xawaaraha ay ku soconayaan gaadiidku si looga hortago loona badbaadiyo khasaaraha naf iyo maalba leh ee ay sababaan shilalka Gaadiidka .
Sida ku qeexan xeer nidaamiyaha dhismaha Wasaaraddaha & Hay’addaha xukuummadda L/r 01/2018 Qodobka 25aad, inay curiso xeerarka & siyaasadaha lagu xaqiijinayo helitaanka adeegyada Gaadiidka badda ,cirka & dhulka oo nabdoon isla markaana ah mid laysku halayn karo