Gudoomiyaha Xarunta Dhaqanka Hargeysa Jaamac Muuse Jaamac Oo Sheegay In Odayada Dhaqanka Iyo Culimada Somaliland Cadaawad Xoogan Uhayaan Xaruntuu Maamulo
August 23, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha xarunta dhaqanka Hargeysa Jaamac Muuse Jaamac, ayaa sheegay in ay la kulmayaan cadaawad uga imanaysa qaybo ka mid ah bulshada, kuwaas oo ku baaqaya in la xidho xarunta.
Waxa uu sheegay in dadka cadaawada ka fidinaya ay ka mid yihiin , dhaqanka iyo culimada.
“waxa jira dhawaaqyo ka imanaya dhaqanka iyo warbaahinta bulshada oo ah in laxidho xarunta ( annaga), qaar ka mid ah culimaduna khudbadahooda jimcaha ayay ku baaqaan sidaas ( nagu weeraraan)” Jaamac Muuse.