“Farmaajo Waxa Uu Urursanayaa Dad Wax u Dila, Waxaanu Ku Tala Galay…..”Xildhibaan Mahad Salaad Oo Katirsan Golaha Shacabka Dawlada Xamar
August 23, 2019 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa ka hor yimid magacaabidii ugu danbeysay ee taliyeyaasha ciidamada qalabka sida, siiba taliyaha sida rasmiga ah loogu magacaabay Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka ee NISA ee Fahad Yasiin Xaaji.
“Magacaabistii shalay waxaa iiga muuqata in Madaxweyne Farmaajo ku talo galay inuu aruursado dad wax u dila, fuliyana awaamirtiisa si ka baxsan xayndaabka sharciyadeed ee dalka u yaalla iyo kuwa caalamiga ahba. Sidoo kale in la doonayo in la sii kordhiyo cadaadiska iyo caburinta lagu hayo shacabka degan Gobolka Banaadir iyo dadka siyaasad ahaan ka aragti duwan Madaxweynaha, laakiin aan lagu talo galin dhismaha ciidan qaran, mid horumar bulsho, mid dhaqaale iyo mid isla xisaabtan toona..” ayuu yiri xildhibaan Mahad Maxamed Salaad.