Dekeda Hobyo Ee Qatar U Dhisayso Soomaaliya Oo Sucuudigu Kaga Jawaabay Aqoonsiga Baasaaboorka Somaliland…Warbixin
August 24, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Dawladaha Sucuudiga iyo Qatar ayaa ka dib markii ay jareen xidhiidhkii ka dhaxeeyay waxay isku qadeen dagaalo dublamaasiyadeed.
Warbixin uu daabacay wargeyska Daillysabah ayuu ku sheegay in dawladaha Qatar iyo Sucuudiga ay dagaalkooda dublamaasiyadeed u soo wareejiyeen wadamada soomaaliland iyo soomaaliya, waxaanu soo bandhigay talaabooyinka ay sida dadban iskugu jawaabayaan ee ay qaadeen mudooyinkii ugu dambeeyey.
Sidoo kale wargeyska ayaa sheegay in dawladaha Qatar iyo Sucuudigu ay hada kordhiyeen saamayntii ay ku lahaayeen wadanka soomaaliya, waxaanay warbixinta wargeysku intaas raacisay in soomaaliya oo ay ka jiraan dagaalo sokeeye, faragelin shisheeye, dagaalo la xidhiidha khayraadka iyo abaaro soo noq noqda ay u baahan tahay taageero dhaqaale oo ay horumar kaga samayso dagaalada ay kula jirto kuwa nabada ka soo horjeeda.