War Deg Deg Ah”Daawo Muuqalka”Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Ka Hadlay Ciidamo Somaliland Ka Goostay Iyo Shaqsiyada Caare Uu Ku Tilmaamay Gacan Ku Dhiigle In La Qisaaso Ubaahan
August 25, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Taliyaha Guud ee ciidamada Qaranka Somaliland Nuux Ismaciil Taani ayaa waxaa uu maanta ka hadley ciidamo Somaliland ka tirsanaa kuna sugnaa deeganka Badhan oo Somaliland ka goostey kuna biiray Maamulka Puntland .
Taliye Nuux Taani ayaa goosashada ciidamadaas soo dhaweeyey isla markaana ku tilmaamay wax lagu farxo waxaana uu sheegay in ciidamadaasi aaney wax faa,ido ah Somaliland ugu filneen isla markaana lacag uun Somaliland ka qaadan jiray
Sidoo kale Taliye Nuux ayaa waxaa uu ka hadley arinka taliye Caare waxaana uu sheegay in Caare uu yahay nin danbiile ah isla markaana ay tahay in loo qisaaso dad uu hore u laayey oo aan ka yareen 10 qof waa sida uu hadalka u dhigaye