Madaxwayne Mustafe Cagjar Oo Sheegay Saddex Qodob Oo Ay Kaga Dayanayaan Somaliland.
August 25, 2019 - Written by admin
Jigjiga(Berberatoday.com)-Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar (Mustafe Cagjar), ayaa sharraxay saddex qodob oo ay kaga dayanayaan Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana Somaliland ay kaga horrayso dalalka qaaradda Afrika.
Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo madaxtooyadda deegaanka ku qaabilay, islamarkaana qado sharaf ugu sameeyay xubno dhallinyaro ah oo ka socday dalladda jaamacaddaha Somaliland, ayaa kulankaa ka sheegay arrimo ay Somaliland kaga horrayso dalal badan oo qaarada Afrika ah, isla markaana ay kaga dayanayaan oo ay ka barteen Somaliland.