Soomaaliya:-Wasiir Ganafka Ku Dhuftay Xil Ka Qaadis Lagu Sameeyey Iyo Dooda Uu Aaminsan Yahay
August 26, 2019 - Written by admin
Gaalkacayo(Berberatoday.com)-Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu ku sheegay inuu xilkii ka qaaday wasiirkii qorshaynta maamulkaasiCabdikaafi Maxamed Maxamuud.
Ka dib wareegtada uu soo saaray madaxweyne Xaaf, waxa xil ka qaadistiisa ganafka ku dhuftay wasiir Cabdkaafi Maxamed Maxamuud, kaas oo ku dooday inaanu madaxweyne Xaaf ka qaadi Karin xilkan uu hayo.