Jawaabaha Cadhada Leh Ee Ka Dhashay Hadalkii Taliye Nuux Taani Iyo Farriimaha Loo Diray Madaxweyne Biixi
August 28, 2019 - Written by admin
Hargaysa(Berberatoday.com)-Jawaabaha Cadhada Leh Ee Ka Dhashay Hadalkii Taliye Nuux Taani Iyo Farriimaha Loo Diray
Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo dad kale ayaa si cadho leh uga jawaabay hadalkii uu taliyaha guud ee ciidanka qaranka
Somaliland sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taanai jeediyay Axadii toddobaadkan.
Xildhibaanadan iyo siyaasiyiintan ayaa ugu baaqay Madaxweyne Biixi inuu talaabo ka qaado taliye Taani, iyagoo sidoo kale
taliyaha dhinaciisa ugu baaqay inuu hadalkaas xaal ka bixiyo.
Xildhibaan Garas
Xildhibaan Saleebaan Garas Seed, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Guurtida, oo ka jawaabaya hadalkaas taliyaha
ciidanka qaranka ayaa yidhi “Ninka xilka haya ee dalka iyo dadkaba madaxda u ah inuu dadka kiciyo maaha, in Taliyaha
Ciidanka Qaranku meel masaalaxad laga wado inuu dab ka oogo maaha, hadalada cilada, cudurka iyo cadawada watana
looma baahna, ee hadalkaas uu yidhi aad iyo aad baan uga xumahay, Salaadiintuna waxay ahaayeen kuwii nabada iyo
maslaxada ka shaqeeynayey, markaas Taliyaha Ciidanka Qaranku waa inuu xaal ka bixiyaa waxaas uu ku hadlay, Madaxweynahana waxaa looga baahan yahay inuu talaabo ka qaado, waxaana leeyahay Madaxweynaha wixii Somaliland u
dana iyo masalxada umadda ha laga shaqeeyo, wixii cilad iyo cadawad keenayana ha la joojiyo,masuul kasta oo Xukuumadda
ka tirsan oo ku hadla hadalo umadda kala fogaynayana talaabo ka qaad, Xukuumadduna dadka dhegahooda wax wanaagsan
ha maqashiiso, oo wax wanaagsan oo dadka raaligeliya ha u sheegto, laakiin raali kama nihin hadalada naxliga, cadawada,
cilada iyo cudurka dadka ku abuuraya, waxaynu u baahan nahay wax wanaagsan, laakiin wax xun uma baahnin, balo iyo buuq
uma baahnin, ee waxaynu u baahan nahay in wixii dhibaatooyin ee jira in dariiqa ugu saxsan lagu dhammeeyo.”
Xildhibaan Gaane
Xildhibaan Siciid Gaane oo ka mid ah xildhibaanada golaha wakiilada oo isna ka jawaabaya hadalkaas Taliye Nuux Taani
ayaa yidhi ” Waxa cad oo marag ma doonto ah kuwaas uu leeyahay hanaga tagaan waxba may qabanayaane iyo kuwan uu
leeyahay ha ka daba tageen iyo kuwii hore ee tagay ee Caare ka midka ahaa intuba cadaalad daro iyo booshaaqaas uu shalay
ku hadlaayay ayay meesha uga tageen, isagaana maanta banaanka is keenay, waxa cadaatay cida kaliyaata ee qarankan dibin
daabyada ku ah inay tahay xukuumada haysata.”
Siyaasi Dhoolayare
Siyaasi Aadan Axmed Cilmi Dhoolayare ayaa wuxuu isaguna yidhi ” Taliyaha ciidanka qaranka ee intuu soo fadhiistay yidhi
waan kala diray ciidankii qaranka, macnaheedu waxa weeye haddii uu qabiil diray ciidankii qaranka ayuu kala diray, ma lihin