“Somaliland Qaran U Baahan Hogaaminta Jiil Cusub Oo Dhamaystiran Iyo Hiigsiga Shacabka”. Gudoomiye ku Xigeenka Kulmiye ee Toronto!
August 29, 2019 - Written by admin
“Hogaamiyayaasha Siyaasadu ee maantu waxay ka siman yihiin ka Raali ahaanshaha Jiritaanka ku shaqaynta Musuqmaasuqa iyagoo aan hoos u eegin nolosha Qoysaska Milatariga”.
Toronto(Berberatoday.com)-Tan iyo Mudadii lagu dhawaaqay gooni isku taaga Jamhuuriyada somaliland oo hada laga joogo Mudo Shan iyo Labaatan Sanno ah waxay bulshada somalilnad ka soo gudbeen marxalado kala duwan inagoo ka xusi karna Dagaalkii Sokeeye ee dalka ka dhacay dabayaaqadii Sannadkii 1994, oo sabobay in mar kale Caasimada S/land bulshada dagan ka barakacdo iyo Sarif barar hoos dhac ku yimid Lacagtii cusbayd ee Shilinka S/land Sarif bararkaa oo sobobay in Xoolo dhaqatada,Beeralayda,Muruqmaalka,iyo dhamaan dadka aanay soo galin Lacagta adag ee Doolarku iibsan kari waayaan Raashinka Quutal Daruuriga ah.