Baarlamanka Dalka Ingiriiska Oo Laga Hakiyey Shaqadiisii, Dhawaana La Kala Diri Doono Iyo Sababta Loo Cuskadey
August 29, 2019 - Written by admin
London(Berberatoday.com)-Boqoradda dalka Ingiriiska, Elizabeth ayaa ansixisay codsi uga yimid raysul wasaaraha cusub ee waddankaas, Boris Johnson, kaasoo dalbaday in hakad la galiyo howlaha baarlamaanka.
Golaha ayaa ayaa la kala diri doonaa maalmo yar ka dib marka ay xildhibaannada bisha sagaalaad dib uga soo laabtaan fasaxii ay ku maqnaayeen.