Xarunta Dhaqanka Hargeysa Oo Casuuntay Nin U Ololeeya Guurka Dadka Isku Jinsiga Ah”W/Q Khaalid Foodhaadhi
August 29, 2019 - Written by admin
Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa ayaa casuuntay nin u ololeeya guurka dadka isku jinsiga ah:

Xarunta ayaa sannadkan ku casuuntay magaalada Hargeysa Donald Molosi oo ah qoraa reer Botswana ah u na ololeeya guurka dadka isku jinsiga ah.
Donal Molosi ayaa xarunta dhaqanka ee Hargeysa xalay ku soo bandhigay film uu sameeyay oo la yidhaahdo “We are all blue”.
Xarunta ayaa horey u casuuntay gabadh iyaduna u dhalatay dalka Ingiriiska oo sidan oo kale u ololeysa guurka dadka isku jinsiga ah.
Halkan hoose ka eeg qoraallo uu soo dhigay bartiisa Twitterka Donald Molosi.


Khaalif Foodhaadhi
Hargeysa Somaliland