Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Sidee Ayuu U Arkaa Heshiiska Muqdisho Ku Dhexmaray Midawga Yurub Iyo Dawlada Soomaaliya?
September 2, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay heshiis magaalada Muqdisho ku dhexmaray dawlada soomaaliya iyo Midawga Yurub.
Heshiiskan oo ku saabsanaa maalgelin uu midawga yurub ku samaynayo horumarinta magaalooyinka Muqdisho Iyo Berbera ayuu gudoomiye Faysal ku tilmaamay mid baalmarsan nidaamkii ay somaliland qaadhaanka kaga heli jirtay midawga yurub.