Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay Oo Balanqaad U Sameeyey Ciidamada Wadanka Congo
September 3, 2019 - Written by admin
Congo(Berberatoday.com)-Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa ballan qaaday inuu taageero joogto ah uu fidin doono ciidammada dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo si meesha looga saaro maleeshiyaadka dagaalka ka wado halkaas.
Xilli uu booqasho ku joogay magaalada Beni ee dalkaas, waxaa uu ka dhawaajiyay in loo baahan yahay in la ballaariyo gulufka ka dhanka ah kooxaha fallaagada.