Nuxurka Warsaxafadeed Ay Wasaarada Gadiidka Somaliland Soo Saartey
September 5, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadku waxay Qaranka ugu xilsaaran tahay bixinta adeegyada Gaadiidka dalka sida Gaadiidka Dhulka , Cirka iyo Badda Somaliland, sidoo kale waxay wasaaraddu u xilsaaran tahay horumarinta jidadka isku-xidha Goboladda iyo Dagmooyinka dalka, dhismaha iyo dayactirka jidadka sida ku xusan Xeer-nidaamiyaha Dhismaha Wasaaraddaha iyo Hayadaha Dawladda (Xeer L/r 01/2018) iyo Xeerka Waddo Marista Gaadiidka (Xeer L/r 56/2013).
Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka xilka iyo waajibaadka waxaa kula xisaabtamaya Madaxweynaha JSL iyo Shacbi-waynaha soo doortay, cid ujeedo guracan leh kuma raaligalinayso, waxqabadka wasaaradda oo dhammeystiran waxaad ka heli kartaan mareegta www.somalilandtransport.com Buugga waxqabadka wasaaradda ee 2018, halka waxqabadka wasaaradda 2019 la galin-doono dhammaadka sanadka.